Sida DENI si lama filaan ah ugu guulaystay doorashada Puntland ee 2019-ka iyo kooxihii ku gacan siiyey

0
211

Waa kuma Siciid Cabdullahi Deni?

Siciid Cabdullahi Deni waa ganacsasde isu rogay siyaasi. Wuxuu ku dhashay, kana dhigtay waxbarashadiisa illaa heerka koowaad ee jaamacadda magaalada Muqdisho. Ka dib wuxuu galay jaamacad ku taal Malaysia oo uu ka qaatay shahaadada heerka labaad ee jaamacadda.

Ganacsiga ka sokow wuxuu ahaa qofkii ug horreeyay ee Boosaaso ka aasaasa dugsiga Imaam Nawawi. Wuxuu dawladdii Xasan Shiikh noqday wasiirka qorshaynta qaranka.

8-dii Janaayo 2019-ka wuxuu ku guulaystay in loo doorto madaxwaynihii 5aad ee Puntland.

Sababihii keenay guusha Deni

Guushiisa ka hor, Deni wuxuu dhextaal u ahaa kooxo iyo shakhsiyaad dhowr ah oo mid waliba dan gaar ah ka lahaa inuu ku guulaysto madaxwaynanimada Puntland.

Shakhsiyaadka gacanta ugu wayn ka gaystay guushiisa waxaa ka mid ahaa madaxwaynihii hore ee Puntland Cabdiraxman Faroole, murashax madaxwayne Farax Cali Shire, iyo Cabdiwali Gaas.

Kooxaha taageerada xoogga leh siiyayna waxaa hormuud u ahaa Aaran Jaan, Towfiiq, Saracen, Dam Jadiid, Al-Islaax, Dahabshiil, iyo Somaliland. Dhamaan kooxahaan aan kor ku xusnay waxay Deni siiyeen taageero dhaqaale iyo mid siyaasadeedba.

Waxaa la sheegay in Lacag gaaraysa 2 milyanoo  doolar uu Deni uga soo qaaday Dahabshiil nin la yiraahdo Maxamuud Shiddo oo ah madaxa Aaran Jaan, isla markaana ka mid ah boardka Towfiiq, iyo kan Saracen. Waxaa kaloo la baahiyay in Somaliland ay iyana u soo dirtay hal milyan oo dollar oo kale.

Sidoo kale, waxaa warbaahinta Puntland sheegtay, in dhaqaalih uu Deni ka helay kooxahaas uu u adeegsaday inuu ku gato codka xildhibaanada, iyadoo xildhibaakiiba uu siinayay 50 kun oo doolar si ay ugu codeeyo. Xildhibaankii lacag ka qaatana wuxuu marinayay dhaar adag oo isugu jirta xilo dalaaq iyo habaar.

Dhallinyaradii (xildhibaanadii) loo han waynaa oo lagu hungoobay codkoodiina iibiyay

Sanandka 2019-ka boqolkiiba 74 (74%) ama 49 ka mid ahh 66-ka xildhibaan ee Puntland laga soo doortay waxay ahaayeen dhallinyaro wax ku bartay jaamacado dalka gudihiisa ku yaal oo lagu tuhmayay waddaniyad, dhaqan wanaag, xalaal quudasho, iyo diin wanaag, una badanaa kuwo taabacsan kooxda Islaamiga ah ee Al-Islaax. Aad baa loogu han waynaa dhallinyaradaas oo waxaa la filayay inay Puntland ka saaraan musuqa, dhaqaale xumada, ammaan darrada, iyo horumar la’aanta.

Laakiin sidii la moodayay ma noqon oo iyagii ayaaba ka darnaaday kuwii ka horreeyay oo lagu eedaynayay laaluush cunka, damiir la’anta iyo waddaniyad xumida. Haddana dadka reer Puntland waxay aad uga walaacsan yihiin mustaqbal xumo ku dhacda Puntland  sababta oo ah xildhibaanadii sanadkan waxay noqdeen kuwo aan sarriig lahayn oo cid kastoo lacag u keenta ka qaadanaya.

Sida lagu sheegay warbaahinta Puntland, lacagta lagu kala gadanayay codka xildhibaanda waxay u dhexaysay 30 ilaa 70 kun oo doolar. Xildhibaanaduna kuma ekaanayn hal murashax ee waxay isu marayeen 4 ilaa 5 murashax. Sidaas baana xildhibaanada qaarkood ku heleen lacag gaaraysa dhowr boqol oo kun oo dollar.

Waxaase taas ka sii darnayd markii siyaadadii dib la isga soo matajiyay oo murashixiintii aan guulaysan ay ka dalbadeen xildhibaanadii aan u codayn ay u soo celiyaan lacagtoodii. xildhibaanada qaarkood suuqa dhexdiisa iyagoo maraya ayaa xabad dhafoorka laga saaray oo lagu khasbay inay lacagtii soo celiyeen.

Haddba waxaa is waydiin leh, xildhibaanada noocaas ah oo iyagoo aan wali shaqo bilaabin oo indhuhu u furmin codkooda siistay lacag laaluush ah, maxaa laga filayaa inay samayn doonaan markii ay muddo sii  joogaan oo shaqo bartaan? Sow ma qaadan doonaan lacagaha laaluushka ah oo la hubo in laga keeni doono waddamo shisheeye, shirkado calooshood u shaqaystayaal ah, iyo shakhsiyaad shisheeya iyo Soomaliba leh. Ma laga filayaa inay lacagaha noocaas ah diidi donaan oo ay u danayn doonaan dadka iyo dalka ay dhaarta ugu mareen inay ilaanin doonaan danihiisa si daacad ahna ugu shaqayn doonaan?

Sida xaal gadaal ka noqon doono Allaa og laakiin hadda reer Puntland waxay isku raaceen in xildhibaanadaan kuwa ka liita aysan hore u soo marin Puntland

Ceeb aan hore loo arag – 41 Xildhibaan oo ka maqnaa khudbadihii murashixiinta

Waxaa yaab iyo amakaag noqotay in 41 xildhibaan ay ka maqnaayeen khudbadihii ay jeedinayeen 21-kii murashax ee u tartamayay madaxwaynanimada. Waxa dabadeed la soo ogaaday in xildhibaanadii maqnaa ay saf ugu jireen Dahabshiil si ay u soo qaataan lacagihii ay ku iibsadeen codkooda.

Ceebta saddexaad – dhulbahante oo qaddiyadoodii siistay lacag  

Markii tar-tanka doorashada uu soo galay Dr. Cali Ciise, Soomaali oo dhan waxaa gashay rajo ah inuu ku guulaysto doorashada maadaama uu ahaa ninka ugu bisilaa, uguna aqoon iyo khibrad badnaa raggii tartamayay. Aqoonta iyo waayo aragnimada Dr. Cali Ciise u lahaa dib u dhiska, maaraynta, iyo kocinta dhaqaalaha waxay ahayd wax si gaar ah Puntland xilligaan ugu baahnayd maadaama ay labaatankii sanoo ay dhisnayd ay ka bixi wayday musuq-maasuq, bur-bur dhaqaale, iyo takri fal hantida guud.

Laakiin, in la doorto Dr. Cali Ciise iska daaye, reerkii uu ka dhashay oo lahaa 17 cod, ayaan xataa siin hal cod. Haddii uu heli lahaa codkooda, waxaa suurogal noqon lahayd inuu u soo gudbo wareegga labaad, dabadeedna uu helo jaanis uu ku guulaysto jagada madaxwaynanimada (Akhri Ma tuurnaa qabiil oo dooranaa Dr cali Ciise Cabdi).

Ayaan darro, ma dhicin inuu helo codkii xildhibaanada reerkiisa. Hal cod oo ka yimid beel kale ayuu helay. Sidaas buuna Dr. Cali Ciise ku haray wareeggii kowaad, Puntlandna sidaas bay gacanta ugu gashay Aaran Jaan, seeddiyaasha Somaliland, iyo xildhibaano aan lahayn bisayl siyaasadeed, mid shaqo, mid aqoon, mid diin, mid waddaninimo, mid xishood, mid xalaal quudasho, mid aragti dheeri, iyo mid u hiilin jiilasha dambe.

Xildhibaanadii dhulbahantana waxay halkaa kala hoydeen astaan ku dhegtay oo ah qaddiyad la’aan, hiil la’aan iyo laaluush qaadasho.

Mudaharaadyo looga soo horjeedo Deni iyo Baqdin la qabo mustaqbal xumo ku dhacda Puntland

 Taariikhda Soomaaliya hore ugama dhicin in madaxwayne la soo doortay ay ku mudaharaadaan reerkii uu ka dhashay. Laakiin markii ugu horraysay waxaa dhacay 8-dii Janaayo 2019-ka oo ahayd maalintii madaxwaynaha maamulka Puntland loo doortay Siciid Cabdullahi Deni, mudaharaadyo reerkiisu uga soo horjeedaan doorashadiisa.

Mudahaardyadu waxay salka ku hayeen diidmo la diiddan yahay cidda Deni siyaasad ahaan ku xiran yahay, waxa uu aamminsan yahay, cidda maal galisay doorashadiisa, iyo baqdin laga qabo siyaasaddiisa ku dhisan danta saaxiibada iyo kooxaha gaarka ah ee ay isku xiran yihiin ee ka caawiyay guusha doorashadiisa.

Guusha madaxwayne Deni waxay dadka reer Puntland ku abuurtay wel-wel, walaac, iyo baqdin laga qabo colaado iyo cawaaqib xumo dhaqaale oo soo fool saarta Puntland. Waxaa la saadaalinayaa in bur-bur dhaqaale yimaado, shilling Soomaaligu sii qiimo beelo, warshaddii lacagta ee Gaas sii shaqayso, dawladda Denina gacan saar dhow la yeelato maamul goboleedyada si loo wiiqo awoodda dawaldda dhexe.

Xiriirka shirkadda Towfiiq iyo Deni – Yaa leh shirkadda Towfiiq?

Shirkadda Towfiiq waxaa iska leh ganacsato badankoodu ka tirsan yihiin ururka Isaamiga ah ee Al-Islaax oo uu Deni laftiisu ka mid yahay. Towfiiq waa shirkaddii Deni u dirtay Malaysia oo ka bixisay waxbarashadii heerka labaad ee jaamacadda (Master degree). Waana halkii uu ka shaqo bilaabay markii uu waxbarashadii soo dhamaystay oo dib ugu soo laabtay Puntland. Deni wuxuu Towfiiq ka noqday maamulaha shirkadda, halkaas oo uu khidmad (commission) wanaagsan ka qaadan jiray, sidaasna uu lacag badan ku sameeyay.

Sidaa awgeed, waxaa aad loo saadaalinayaa in shirkadda Towfiiq ay aad uga faa’idi doonto maalgalintii murashaxnimadii Deni.

Xiriirka ka dhexeeya Aaran Jaan, Saracen international, iyo Deni

Aaran Jaan waa ganacsato lagu tilmaamo inay yihiin kuwo aan waxna u aaba yeelin (corrupt and immoral). Ragg ku jira boardka Aaran Jaan baa sidoo kale qaar ka mid ah ay ku jiraan boardka Saracen (why is Saracen in Puntland), iyo kan Towfiiq. Ragga ugu magac dheer kooxdaan waxaa ka mid ah madaxwaynihii hore ee Puntland Cabdiraxaman Faroole, wasiirkii Faroole ee maaliyadda, Farax Cali Shire oo 2019-ka  u tartamayay madaxwaynanimada, iyo Deni oo ah madaxwaynaha la doortay 2019-ka

TV-yada baynu ka wada daawanaynay markii Farax Calis Shire ku haray wareeggii labaad in isaga iyo Faroole ay ku heshiiyeen in xildhibaanadii u codeeyay Farax Cali Shire lagu wareejiyo Deni.

Hadafka koowaad ee kooxda Aaran Jaan waxa weeye sidii ay lacag u samayn lahaayeen,  iyadoo aan loo aabo yeelayn qaabka loo samaynayo, iyo cidda laga samaynayo, iyo sida ay sharciga u waafaqsan tahay samaynta lacagtaas. Kooxdaan waa isla kooxdii haraysay oo gacanta ku haysay dawladdii Faroole.

Haddaba maadaama Deni lagu tilmaamo inuu yahay nin jilicsan oo hadba dhankii la rabo loo jeedin karo, waxaa la saadaalinayaa in kooxdaani saamayn wayn ku yeelato maamulkiisa, danahoodana si buuxda uga fushan doonaan.

Yay faa’ida u tahay doorashada Deni

Shaki la’aan, doorashada Deni waxaa ka faa’idi doona Aaran Jaan, Towfiiq, Saracen, iyo kooxaha kale ee gacan saarka ay isla leeyihiin. Waxaa la filayaa in kooxahaan heli doonaan qandaraasyada dawladda Puntland ay bixin doonto, isla markaana ay gebi ahaanba gacanta ku dhigi doonaan ilaha dhaqaalaha Puntland, la talinta iyo u dhowaanshaha maamulka Deni.

Waxaa kaloo faa’ido ku qabi doona doorashada Deni,  Imaaraatka, Dam Jadiid, Dahabshiil, Somaliland, iyo maamul goboleedyada oo kulligood taageero hiil iyo hooba leh siiyay doorashadiisii.

Doorashada Deni waxay dhabar jab ku noqon kartaa dadaadallada dawladda dhexe waddo, dadka jecel midnimada iyo horumarka Soomaaliya, iyo dadka reer Puntland ee filayay in la doorto madaxwayne ka wanaagsan Cabdiwali Gaas.

Sidee loo jebiyay murashax Engineer Jebiye

Engineer Jebiye  waxaa qabsaday dhowr arrimood oo sababay inuu guulaysan waayo:

  • Kala daadsanaan iyo maamul xumo ka jirtay campaign-kiisa
  • Kalsooni uu ku qabay inuu isagu guulaysan doono.
  • Xildhibaannadii lacagta ka qaatay oo ballantii uga baxay maadaama uusan dhaar adag marsiin

Sidee looga adkaaday Cali Xaaji iyo Dr. Cali Ciise

Inkasta oo labo Cali aysan laaluush bixin haddana xildhibaano badan bay ka haysteen kalsooni ah inay u codayn doonaan. Hase yeeshee isla xildhibaanadii ballanta la galay ayaa lacag ka soo qaatay murashixiin kale oo laaluush bixinaysay, dabadeena waxaa khasab noqtay inay ballantii uga baxaan labo Cali oo u codeeyaan kuwii ay lacagta ka soo qaateen.

Sidee looga adkaaday Gen. Asad

General Asad guushu isha baalkeeda aayy u soo martay. Mar haddii labo qof aysan halkii jago ee loo tar-tamayay ku wada guulaysan karin, nasiibkii wuxuu noqday inuu isagu haro, Denina guulaysto. Waxaase jirta hal wax oo la hub. Xildhibaankii Generalka lacagta ka cunay laakin aan u codayn ma joogi doono Garowe haddii aysan iska soo celin lacagtiisii.

Dhanka kale, Generalk Asad waxba kama hallaabin waayo tijaabadii kowaadna meel fiican buu soo gaaray, toban sano ka dibna haddii uu sii noolaado, caafimaadna qabo, wuxuu isa sharrixi kari doonaa isagoo shuruudii da’da saxda ah soo buuxiyay.

Xiriir noocee ah baa dhex mari kara Deni iyo Dawladda dhexe

Haddii Madaxwayne Deni uu sii wado abaabulkii Cabdiwali Gaas  ee ahaa in maamul goboleedyadu isu kaashadaan si ka dhan ah dawladda dhexe, waxaa sii socon doona carqaladda hadda dhex taal dawladda dhexe iyo maamul goboleedyada. Taasina waxay keeni doontaa inuu dibu dhac ku yimaado ama la gaari waayo horumar badan oo la hiigsanayay iyo rajo badanoo wanaagsan oo laga qabay in Soomaaliya u dhisanto dawlad ka shaqaysa danta dadka iyo dalka.

Maxaa xal u noqon kara oday dhaqameedyada iyo xildhibaanada laaluuska qaata

Sida keliya ee looga bixi karo dhibaatada oday dhaqameedyada iyo xildhibaanada laaluuska qaata waxa weeye.

  • in bulshada lagu wacyi galiyo in laga guuro nidaamka oday dhaqamdeedyada.
  • in la hirgaliyo nidaamka qof-iyo-cod oo dadku toos u doortan madaxdooda.
  • in la sameeyo sharciyo xaddidaya fara gelinta shirkadaha xawaaladaha iyo isgaarsiinta. Tusaale ahaan, Shirkadda Dahabshiil waxaa caado u ah inay 500 oo kun ilaa 1 milyan oo doolar ay sooryo ahaan ugu keento hadba ninkii ku guulaysta Puntland.

Oday dhaqameedyada hadda jira way lumiyeen dhaqankii, xeerkii, iyo anshixii wanaagsanaa ee lagu yiqiin raggii hore. Haddii aan laga gudbin nidaamka ah inay umadda u taliyaan odayaal aan aqoon diineed iyo mid maaddi ah midna lahayn, xalaal iyo xaaraan aan kala jeclayn, cadaalad samaynayn, Alle ka baqayn, waddaniyad lahayn, waxaan halis loogu jiraa inaan halaag ku dhacno.

Dhibaatada oday dhaqameedyada oo biirsatay tan xildhibaana dhallinta yar oo labadiiba ay dadkoodii iyo dalkoodii siisanayaan lacag yar oo maalmo ama bilo gudahood ku dhamaanaysa, waa labo musiibo oo aan laga kici karin haddii aan si deg deg ah wax looga qaban.

Gaba-gabo

War iyo dhamaanti, qofba si buu u arkaa guusha iyo cidda heshay. Indhow garadka qabiiliga ah wuxuu u arkaa in shanta sano ee soo socota guul u soo hoyatay Deni, Cisman Maxamud, Maxamud Saleeban, Aaran Jaan, Faroole, iyo Faarax Cali Shire, iwm.

Anna waxay ila tahay wax badan baa nin la fududaysanay raad reebya oo ka tagay taariikh wanaagsan oo dhaxal gal ah ee yaan lagu deg-degin in baal madow la geliyo Deni.

Allaha ka dhigo kii bed-baadiya dadka iyo dalka Soomaaliya

W/Q: Axmed Bashir
bashir1631@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here