Booqashada madaxweynaha Jabuuti ku tegey Soomaaliya meesha ma ka saaraysaa madmadowgii labada wadanka ka dhex jiray?

0
137

Tan iyo markii magaalada Asmara ee caasimadda Ereteriya uu booqashada ku tegey Madaxweyne Maxamed Cabdilaahi Farmaajo sanadkii tegey waxaa jiray cabasho ka soo baxaysay wadanka Jabuuti oo ku aadanayd in xiriirka degdegga ah ee dhexmaray wadamada Itoobiya, Ereteriya iyo Soomaaliya, waxayna Jabuuti u aragtay arrintaas mid iyada go’doon lagu geliniayo.

 

Arrinta waxay sii xoogaysatay markii magaalada Baxrul-daar ee caasimadda ismaamulka Amxaarada Itoobiya ay markale saddexda hogaamiye ee Itoobiya, Soomaaliya iyo Ereteriya heshiis saddex geesood ah ku gaareen. Heshiiskaan Jabuuti keliya ma ahayn tan u aragtay dhibka ee sidoo kale waxaa guux ka soo yeeray dawladda Kenya oo u aragtay in heshiiskaasi keenay isbaahaysi cusub oo qawmiyada Kushitigga la isku yiraahdo (Soomaalida, Oromada, Tigreega iyo Canfarta) uu dhexmaray, heshiiskaasna khatar ku yahay inuu burburiyo heshiiskii hore ee isbaahaysi ee Amxaarada iyo Baantuuga wada galeen sanadki i1966, ayna qalinka ku duugeen Jomo Kenyatta oo Kenya madaxweyne ka ahaa iyo Xayle Salaase oo Itoobiya boqor ka ahaa.

 

Heshiiska saddexda Hogaamiye galeen wadamada ka carooday midba ujeedo gaar ah ayuu lahaa, Jabuuti waxay u arkaysay in iyadoo weli aysan Ereteriya ka heshiin colaaddii dhex martay ay khalad tahay in go’doominta geeska Afrika ka saarayd mudadda dheer laga qaado.

 

Jabuuti marka laga soo tago in madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele isu arko markasta arrimaha masiiriga ah ee Soomaaliya in talo laga weydiiyo,  ma jirto cadaawad hoose iyo shaki uu ka qabo heshiiska dhex maray saddexda wadan, waxayna mucaraddiisu salka ku haysaa inaan talada wax laga weydiin.

 

Kenya iyadu waxay u arkaysay khatar tan ka weyn oo ah in isbaahaysi cusub uu dhex marayo qawmiyado ay mar hore siyaasad ahaan iyo istiraatiji ahaanba u coloobeen, kana dhexeeyo ismuquuqnin awoodeed iyo dhul balaarsi, taasina Kenya waxay ku keentay inay siyaasaddo ka duwan kuwii hore la soo baxdo, waana qayb ka mid ah xiriirka liita ee wakhtigaan u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.

 

Booqashada 16 Maarso uga bilaamatay Muqdisho waxay furtay weji cusub, waxay labada hogaamiye ogaadeen inay madax u yihiin dad isku mid ah oo siyaasad kastoo timaadda aysan kala geyn karin, waxay kale oo tahay dhoolo tus gobolka ah, taasoo tusinaysa hogaamiyayaasha wadamada kale in wax kastoo dhaca aysan labadaan wadan marna kala fogaan karin, isuna yihiin garab, waana fariin dad ban oo gaaraysa wadamada Geeska Afrika oo ay ka jiraan mawjado siyaasadeed oo si degdeg ah hadba isu bedelaya.

 

Madaxweyne Ismaaciil marka laga soo tago turxaan bixinta xiriirka labada iyo furitaanka dhismaha safaaradda cusub ee Jabuuti ay yeelanyso. Waxaa kale oo aan isleeyahay socodkiisan inuu talo oday Soomaaliyeed ahaan ah siiyo qaybaha dawladda Soomaaliya sida baarlamaanka, aqalka sarre iyo xukumadda uu raysal wasaaraha ka  yahay Xasan Cali Khayre.

 

Arrinta kale ee muhiimka ahi waa in uu muujiyey madaxweyne Ismaaciil in madmadow kastoo jira Soomaalidu isu tegi karto oo keligeed wada hadli karto, waana talaabo leh dhiiri gelin in qaybo kale oo Soomaalid ah markastana ku dooda in Soomaali arrimaheeda shisheeye dhex galo ay ku tusaale qaadan karaan.

Maxamed Xasan Maxamed (Cirro)

Kayse25@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here