Booqashada wasiirka arrimaha dibadda Ereteriya maxay salka ku haysaa?

0
248

Maarso 18 2019 waxaa booqashadii ugu horaysay ku tegey Hargeysa wasiirka arrimaha dibadda ee Ereteriya, bulshada Soomaaliyeed waxay bixiyeen aragti ku aadan in tani u tahay jawaab celin booqashadii madaxweynaha Jabuuti ku tegey Muqdisho, ayna tahay xiliftanka siyaasadeed ee labadaas wadan u dhexeeya, arrintuse taas ma tahay?.

Marka la eego sida dawladda Soomaaliyeed aysan uga hadlin booqashadaas, xiriirka Asmara iyo Muqdisho ka dhexeeya oo ka xoog badan ka wadamada kale ee gobolka, waxaa la akhrisan karaa in booqashadaasi tahay arrin ka duwan sida loo malayna tahayo, ayna tahay cadaadis siyaasadeed.

Wadamada gobolka bariga iyo geeska Afrika ku yaal waxay u egyihiin kuwoo doonaya inay iska moosaan wax kastoo gooni goosad ah, iyagoo ug oo wadan deris la ah gol leh inay iska moosaan inay faraha ka baxdo dhibaato gudahooda ka taagan. Ka soo bilow Tansaaniya jasiiradda Sansibaar waxay xusul duub ugu jirtaa inay ka madax banaanaato Darasalam. Kenya labada gobol ee Niyansa iyo gobolka xeebta waxaa ka jira kacdoon ku aadainay kaga madax banaanaadaan Kenya inteeda kale.  Suudaan gobolka Daafuur ayaa faraha ku taagan inuu Khartuum ka xiriir furto. Itoobiya oo ah halka halista ugu badan ee bur bur wakhtigaan ka taagan tahay qawmiyadaha ku nool waxay sugayaan waddo u furanta, wadankaasina noqdo tusbax go’ay oo kala dhaqaaqa, waana cabsidii taliskii Tigreeda ee mudada badan madaxa u salaaxayey Soomaaliland ay qabeen oo aysan marna u ogolayn in Soomaaliland ka go’do Soomaaliya.

 

Arrimahaan marka la isu geeyo waxay muujinaysaa in wadamada gobolku ay Soomaaliland ku hayaan cadaadis ku qotoma inay la yimaadaan qorshe ay Soomaaliya wax kula qaybsadaan, meeshana ka saaraan gooni goosad, waa marka sida tilmaanta sawir ee taagani bixinayso, booqashada wasiirka arrimaha dibadda ee Ereteriyana cadaadiskaas ayey salka ku haysaa.

 

Inta badan dawladda Muqdisho hadal badan kama tiraahdo arrimaha Soomaliland, halka Soomaaliland ay har iyo habeen ku dooddo in iyaga iyo Soomaaliya la wada hadalsiiyo, taasoo u muuqata in shaqadii Muqdisho qaban lahayd ay wadamada IGAD qabanayaan. Waxaana dhici karta in wafuud kale oo wadamada gobolka ka socdaa ay Hargeysa tagaan wakhtiyada soo socoda, iyagoo qayb ka ah cadaadisyada jira.

 

Khaladka Siyaasadeed ee Soomaaland ku dhacay mudadii ay jirtay?

Fursadaha bani’aadamku wax ku helaan waa kuwo kooban, markay ku soo maraanna hadaadan ka faa’iidaysanna si sahlan kuu dhaafa, sanado badan oo Soomaaliland ahayd mel xasiloon, maamul ka jiro, waxay u ahayd fursad dahabiya, mase la imaan caqli fayow oo ay fursadaas kaga faa’iidaystaan, khaladka ugu weyn ee ay galeen wuxuu ahaa iska indho tirka Muqdisho oo ah goobta xaqiiq ahaan wax kastoo mustaqbal ah oo ay heli karaan ay ku xiran tahay.

 

Tan labaad qarankii Jamhuuriyadda Soomaaliya ee ay qaybta ka ahaayeen ee burburay, xilna ka saarnaa dhismihiisa ayey dhabarka u jeediyeen, bedelkeed iyadoo ay la imaan kari lahaayeen  hanaan ay dawlad Soomaaliyeed ku dhisaan, kadibna ay la sameeyaan dastuur, wixii ay xuquuq ama aayo ka tashi ah ee ay raadinayaan ku gaaraan, sidii ay yeeshay Ereteriya markii ay wadanka wada qabsadeen ururkii Tigreega ee EPLF.

 

Fursadda saddexaad ee ay dayaceeny ee ay yeeli kari lahaayeen,  waa inay caasimaddii iyo dawladnimadii Soomaaliya Hargeysa u raraan oo iyagu noqdaan kuwo sargooyo siyaasadda Soomaaliya, waxayna noqon lahayd fursad qaali ah oo Soomaali oo dhan samata bixisa.

 

Khaladka kale waa markastoo Soomaaliland wada hadal dalbato ma jirto qorshe A iyo B u ah, sida in haddii gooni isu taag u socon waayo wixii kale ee ay ku bedelan karaan, waana tan markasta keenaysa in Hargeysa ay ku dooddo dhexdhexaadin caalamiya ama wadahalada hadba meel loo wareejiyo, iyadoo madashii ugu danbaysay la soo jeediyey Acra oo Gaana ah, kuna taal galbeedka qaaradda Afrika, taaasoo ah waa socon weynee aan orodno.

 

Fursadda wakhtigaan u banaan Soomaaliland maxay tahay?

Xilli kastoo dawladnimada Muqdisho xoogaysato fursadda gorgortan ee Soomaaliland waa mid sii yaraanaysa, inay noqoto jamhuuriyad madax banaan haddii Soomaalida kale ogolaato waxaad wakhtigaan mooddaa wadamada gobolka iyo kuwa galbeedkuba inaysan sinna u aqbalayn, iyadoo laga cararayo inay xarkaha goostaan kacdoono hor leh oo gooni goosad ah oo gobolka ka oogmo.

 

Soomaliland waxayse weli haysataa fursado dahabiya, waxaa ka mid ah inay qaataan awood qaybsi xoog badan, sida in madaxweynaha iyo caasimaddu meerto noqoto, waxaa kaloo u furan sida nidaamka Ingiriiska iyo gobolladiisu ku wada shaqeeyaan oo ah hanaan aad u kala madax banaan, keliyana la wadaago wax yaabo kooban, waxaa kaloo ka mid ah nidaamka federal ee ka shaqeeya Australia iyo Nayjeeriya.

 

Heshiisyo hababkaan ah inay galaan Soomaaliland waa mid u baahan dhiiranaan iyo adkaysi, madaxweyne Muuse Biixina waa nin hawshaas qaban kara, waxayse u bahan tahay inuu arrinta siyaasadeed ee jirta kulan kala yeesho cuqaasha dhaqanka iyo qabaa’ilka, uuna qabto shir la mid ah kii 1991 ee Burco ka dhacay, loogana tashado aayaha iyo masiirka gobollada Ingiriisku gumaysan jiray ee xornimada helay 1960kii.

Maxamed Xasan Maxamed (Cirro)

Kayse25@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here