Sawirro: Al-Shabaab oo baahisay muuqaallada saldhiggii ay qabsadeen

0
186

Ururka Al-Shabaab ayaa baahiyey sawirada Saldhig ay qabsadeen oo ay ka baxeyn Ciidamada Kenya kaasoo ku yaal Gobolka Gedo.

Saldhigga ay isaga baxeyn Ciidamada Kenya kadibna ay gacanta ku dhigeen Kooxda Al-Shabaab ayaa ku yaal degaanka Buusaar ee gobolka Gedo.

Ururka Al-Shabaab ayaa baaritaan ka sameeyey Saldhigaas ay isaga baxeyn Ciidamada Kenya, waxayna markaas kadib u fasaxeen dadka Deegaanka oo halkaas ka qaatay waxyaabihii haraadiga ahaa ee yaalay.

Sawirada ay baahiyeen Al-Shabaab ayaa laga arkayey Baabuurta Gaashaaman oo lagu gubay saldhigg iyo difaacyo adag oo ay halkaas ka sameysteen ciidamada Kenya, waxaana difaacyada kamid ahaa kuwa dhulka hoostiisa ah.

Sida ay Sheegtay Al-Shabaab Degaanka Buusaar  ayaa noqday meeshii ugu dambeysay oo ay isaga baxeyn ciidamada Kenya marka laga hadlayo Gobolka Gedo.

Al-Shabaab ayaa sheegay in Gobolka Gedo ay hadda kaliya ku hareen ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya oo ka tirsan Howlgalka loogu magac daray AMISOM.

Haddaba halkaan hoose ka daawo sawirada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here