Soomaaliya oo go’aan aan la fileyn ka qaadatay qaraar ka dhan ahaa Israel

0
140

Dowladda Soomaaliya ayaa go’aan lama filaan ah ka qaadatay qaraar ka dhan ah gardaradda Israel, kaasi oo la horgeeyey Golaha Xuquuqda Aadanaha QM oo Soomaaliya ay xubnin ka tahan.

Qaraarkan ayaa cod 26-16 isku raacay in la cambaareeyo haysashada Israel ee dhulka Golan Heights ee Suuriya, kaasi oo ay ku qabsatay Dagaalkii Lixda Maalmood ee sanaddii 1967-kii.

Codeynta qaraarka ayaa timid maalin kadib markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu sheegay in Golan Heights uu u aqoonsanayo dhul Israel. Israel ayaa dhulka ku darsatay dhulalka badan ee ay ka haysato Bariga Dhexe sanadii 1981-kii

Dowladda Soomaaliya ayaan taageerin qaraarkan, waxayna ka mid noqotay shan dal oo ka aamusay, kuwaas oo kala ah; Cameroon, Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo, Fiji, Rwanda iyo Somalia.

Dad badan ayaa filayey in maadaama Soomaaliya ay tahay dal Islaam ah ay taageerto qaraarka, hase yeeshee si la mid ah dalalka Carbeed ee sanadihii dhowaa ka haray qadiyadda Falastiin iyo Bariga, Soomaaliya ayaa u muuqata inay wadaddaas martay.

Dadka qaar ayaa qaba in Soomaaliya aysan wax dan ah ugu jirin inay kasoo horjeesato dalal saameyn weyn ku leh siyaasada caalamka, sida Israel oo aad ugu xiran Mareykanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here