Sawirro: Ciidamada DF oo gacanta ku dhigay laba qof oo toogtay sarkaal ciidan

0
93

Wararka ka imaanaya degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamada amaanka ay gacanta ku dhigeen labo ruux oo dil ka geystay magaalada.

Labada ruux ayaa la qabtay kadib markii ay toogteen sarkaal ka tirsanaa ciidamada amaanka oo ku sugnaa degmada Beledxaawo, waxaana la dhigay xabsiga magaalada Beledxaawo.

Dhalinyarada ayaa ku toogtay degmada Beledxaawo Sarkaal magaciisa lagu sheegay Bishaar Xareed oo ka tirsanaa ciidamada dowladda, waxaana hadda lagu hayaa degmada Beledxaawo.

Saraakiisha ciidamada dowladda ee soo bandhigay labada ruux ayaa sidoo kale sheegay inay gacanta ku hayaan hubka iyo rasaastii loo adeegsaday dilka Bishaar Xareed oo si weyn looga yaqaan Gedo.

Ciidamada dowladda iyo Al-shabaab ayaa dhowr jeer ku dagaallamay Beledxaawo waxaana ay marar badan kala qabsadeen Magaalada iyada oo ugu dambeyn ku hartay gacanta  ciidamada dowladda Soomaaliya.

Saraakiisha ciidamada dowladda ma aysan sheegin labada ruux iyo waxay ahaayeen, waxaana socda baaritaanka labada ruux lagu ee dilkaasi ka dambeeyay.
 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here