Duqa Muqdisho oo qaaday talaabadii ugu horeysay ee lagu furayo jidadka xiran ee Muqdisho

0
47

Duqa Muqdisho ahna guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa magacaabay guddi ka kooban todoba xubnood, oo loo xilsaaray kasoo tala bixinta wadooyinka xiran ee Muqdisho.

Xubnaha guddiga ah ee lamagacaabay ayaa waxaa guddoomiye looga dhigay guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadir Maxamed Cabdullahi Tuulax, waxayna lixda xubnood oo kale ay kala yihiin:

1.Saadaq Cumar Maxamed  (xubin)

2.Ibraahim Macalin Cabdullahi  (xubin)

3.Axmed Xaaji Cabdikariim Ducaale  (xubin)

4.Kornayl Cabdi Cismaan Yuusuf   (xubin)

5.Cabdi Maxamed Baaruud  (xubin)

6.Kornayl Daahir Maxamed Tuuryare  (xubin)

Guddoomiyaha gobolka ayaa guddigaan uu magacaabay waxa uu faray in ay si habsami leh uga soo shaqeeyaan habkii loo furi lahaa wadooyinka xiran ee magaalada Muqdisho.

Duqa Muqdisho Cumar Filish ayaa markii ugu horeysay 29-kii  bishii hore ee Agosto waxa uu balan qaaday in uu dib u furi doono wadooyinka  dhagaxda lagu jaray ee magaalada Muqdisho.

Dadka reer Muqdisho ayaa dhib ku qaba dhagax iyo ciidan la dhigay inta badan wadooyinka muhiimka ah, taas oo sababtay in magaaladu ay u kala xiranto labo gadi.

Iyadoo taasi jirtana Muqdisho waxaa wali ka dhaca qaraxyo iyo dilal ay mas’uuliyadooda sheegtaan Ururka Al-Shabaab, waxayna dadka reer Muqdisho ku kala aragti duwanyihiin inla furo wadooyinka loo xiray sababaha amni, iyadoo ay wali ka dhacayaan falal ammaanka liddi ku ah.

Hoos ka akhriso warqadda magacaabista gudddiga:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here